<

Home » Horyaalada » Premier League » BreakingNews: Kooxda Man United oo Dele Alli ka dhigeysa Xidiga ugu qaalisan aduunka & Tottenham oo sheegtay Qiimaha lagu heli karo

BreakingNews: Kooxda Man United oo Dele Alli ka dhigeysa Xidiga ugu qaalisan aduunka & Tottenham oo sheegtay Qiimaha lagu heli karo

MANCHESTER UNITED ayaa rajeyneysa iney lacag waali ah kusoo iibsato qadka dhexe ee Spurs star Dele Alli, sidaas waxaa sheegaya qabiirka Vincent Rodriguez.

Tababaraha kooxda United Jose Mourinho ayaa si weyn suuqa kala iibsiga ugali doona dhamaadka xili ciyaareedkan, waxaana uu da\yarkaan reer England ku jiraa liiska xidigaha United ay dooneyso.

Qareenka ahna Wakiil ka diiwaan gashan FIFA Vincent Rodriguez,  kaas oo la shaqeeya wakiilka  Jorge Mendes ayaa sheegay in Dell Ali uu bartilmaameed uyahay United.

Rodriguez ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Tottenham ay isku diyaarineyso iney United ka iibiso Alli, laakiin kaliya qiimaha ayaa noqon kara mid rikoor ah oo dhan  £100million –taas oo albaaba ka saareysa rikoorkii uu Pogba ugu soo biiray United bishii August ee sanadkii hore.


Wakiilkan ayaa bogiisa twitter-ka ku qoray “Man United waxaa ay marar badan wakiilo udirtay Dele Alli ilaa lixdii bilood, kooxda ayaana bartilmaameedkeeda koobaad ka dhiganeysa ciyaaryahanka, Spurs ayaana dooneysa 100 Milyan”

Alli ayaa qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigaya kooxda Waqooyiga London ka dhisan, waxaana uu xili ciyaareedkii hore si layaab leh udhaliyay 11 gool halka uu sidoo kale wadar ahaan kooxdiisa iyo qarankiisa udhaliyay 13 gool xili ciyaareedkan.Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa sidoo kale kamid ah bartilmaameedka Mourinho ee kooxda Man United marka uu xili ciyaareedkan dhamaado.

Mourinho ayaa ku dhibtoon dhanka gooldhalinta, isagoo arkaya kooxdiisa United oo ay goolasha ka xishoonayaan xili ciyaareedkan, waxaana ay 22 kulan ku dhaliyeen 33 gool oo horyaalka ah.

Zlatan ayaa 14 gool dhaliyay halka Juan Mata iyo Pogba ay min afar gool horyaalka ka dhaliyen.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-kooxda-man-united-oo-dele-alli-ka-dhigeysa-xidiga-ugu-qaalisan-aduunka-tottenham-oo-sheegtay-qiimaha-lagu-heli-karo/">BreakingNews: Kooxda Man United oo Dele Alli ka dhigeysa Xidiga ugu qaalisan aduunka & Tottenham oo sheegtay Qiimaha lagu heli karo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *