<

Home » Horyaalada » Premier League » BreakingNews: David Luiz & Eden Hazard oo la filayo iney seegaan kulanka Sabtida ee Arsenal

BreakingNews: David Luiz & Eden Hazard oo la filayo iney seegaan kulanka Sabtida ee Arsenal

Kooxda Chelsea ayaa wajahaysa wal wal xoogan kahorn kulanka sabtida ee Arsenal, iyadoo taam ahaanshaha David Luiz iyo Eden Hazard aysan wanaagsaneyn

Luiz , ayaa dhibaato ay kasoo gaartay anqowga bilowgii ciyaartii Liverpool, inkastoo uu xanuunkaas la dhibtoonayay tan iyo labo bilood kahor

“Xanuun ayaan ka dareemayaa xiliyada qaar anwoga, waxaana ku ciyaarayay xanuun, laakiin waa arin kubada cagta qeyb ka ah”ayuu yiri daafaca Chelsea.

Xidigan reer Brazil ayaana sheegay inuu xanuunkan kasoo gaaray jalaafadii qaabka darneyd ee uu Aguero roosaha ku qaatay labo bilood kahor.

Arinta kale ayaa ah in Hazard uu dhaawac kasoo gaaray kulankii ay kooxdiisa ka badisay Leicester City. waxaa badal loo taagay labadii kulan ee Hull City iyo Liverpool, maadaama uusan taam buuxa aheyn.

Xidiga qaranka Belgium-ka ayaa dhibaatadan ka qaba dhanka muruqa iyadoo ay ku adag tahay inuu soo bandhigo kubadiisii xawaaraha ku dhisneyd.

Hazard ayaa sidoo kale tababarka la qaatay ciyaaryahanada kooxdiisa arbacadii lasoo dhaafay waxaase uu ku dhow yahay in xaaladiisa la qiimeeyo kahor kulanka sabtida.

Chelsea ayaa qiimeyn doonta xaaladan labada ciyaaryahan iyadoo tababare Conte la filayo in shirkiisa jaraa’id ee jimcaha soo aadan uu arimahaas kaga hadlo.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-david-luiz-eden-hazard-oo-la-filayo-iney-seegaan-kulanka-sabtida-ee-arsenal/">BreakingNews: David Luiz & Eden Hazard oo la filayo iney seegaan kulanka Sabtida ee Arsenal</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *