<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » BreakingNews: Daafaca Kooxda Atletic Madrid oo Maxkamad kasoo muuqday iyadoo loo haysto inuu Saaxiibtiis Xoogay

BreakingNews: Daafaca Kooxda Atletic Madrid oo Maxkamad kasoo muuqday iyadoo loo haysto inuu Saaxiibtiis Xoogay

Lucas Hernández ayaa xabsiga laga sii daayay kadib markii loo xiray inuu xoog u isticmaalay saaxiibadiis, waxaana uu maxkamada kasoo muuqday subaxdan

Lama oga ilaa haatan in ciyaaryahankan daafaca uga ciyaara kooxda Atletic Madrid la xakumay, waxaana uu goobta ka tagay isagoo aanan saxaafada la hadlin.

Lucas Hernández ayaa loo xiray inuu xoogay saaxiibadiis

Ciyaaryahanka kooxda Atlético Madrid Lucas Hernández ayaa xabsiga la geeyay kadib markii gurigiisa loogu yimid jimcihii waxaana looga shakiyay inuu xoog u isticmaalay saaxiibadiis sidaas waxaa sheegaya waaxda arimaha bulshada Spain

Booliska ayaa wicitaan ka helay dadka deegaanka kadib qeylo badan oo gurigooda ka yeertay, gabadha ayaana loo qaaday isbitaalka si daaweyn loogu sameeyo dhaawacyo ku yaalay

1486133994_774651_1486135064_sumario_normal

Saaxiibada Lucas Hernández iyadana waa la xiray

Warar kale ayaa sheegaya in baaritaan kadib iiyadana xabsiga la dhigay saaxibada ciyaaryahankan, lakiin si dhaqsi ah ayaa loo sii daayay kadib markii su’aalo la weydiyay

Labadaba Hernández iyo saaxiibtiis waxaa ku yaalay dhaawacyo

Wararka ayaa sheegaya in ciyaaryahanka iyo saaxiibtiis ay ku yaaleen dhaawacyo, laakiin gabadha ayaa ambalaas lagu qaaday si isbitaalka loogu daaweeyo

Baarayaasha ayaa wali sugaya hadii ay jiraan dhaawacyo daran iyo in xoog loo kufsaday gabadhan

Xidiga qaranka France ayaa maxkamad kasoo muuqday iyadoo lagu eedeeyay inuu xad gudub ku sameeyay saaxiibtiis, kadibna waa lasii daayay waxaana uu aaday xaafadiisii isaga iyo looyaradiisa, lamana oga waxii lagu xakumay.

Sidoo kale garsoorka ayaa sheegay ineysan wax war ah saxaafada ka siin karin arintan, maadaama wali kiiska uu socdo.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-daafaca-kooxda-atletic-madrid-oo-maxkamad-kasoo-muuqday-iyadoo-loo-haysto-inuu-saaxiibtiis-xoogay/">BreakingNews: Daafaca Kooxda Atletic Madrid oo Maxkamad kasoo muuqday iyadoo loo haysto inuu Saaxiibtiis Xoogay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *