<

Home » Horyaalada » Premier League » BreakingNews: Chamberlain oo taageeray In Shaqada laga ceyriyo Tababare Arsene Wenger

BreakingNews: Chamberlain oo taageeray In Shaqada laga ceyriyo Tababare Arsene Wenger

ALEX OXLADE-CHAMBERLAIN ayaa umuuqda mid ka niyad jabsan macalinkiisa isagoo taageeray warbixino lasoo dhigay Barta Twitter-ka oo ay taageerayaasha kooxdaas ku dalbanayaan in Macalin Wenger uu ka tago shaqada Arsenal.

Gunners ayaa guuldaro 3-1 ah kala kulantay Chelsea, taas oo soo dhameysay rajadii kooxdaas ay ka laheed tartanka Horyaalka Ingiriiska.

capture-2

Ciyaarta kadib qadka dhexe ee Arsenal ayaa taageeray warbixin ay Twitter-ka soo dhigeen ArsenalFanTV taas oo uqorneyd: “ARSENE WENGER Waxaa uu ubaahan yahay inuu baxo!!”.

ox

Bogaan ayaa ah mid caan ah oo kamid ah bogaga ay leeyihii taageerayaasha kooxaha, Oxlade-Chamberlain ayaana ku raacay fikirkooda ah in shaqadii Wenger ee Arsenal ay soo dhamaatay.

Chelsea ayaa hogaanka horyaalka ku qabatay 12 dhibcood, Marcos Alonso ayaana gool muran dhaliyay hogaanka ugu dhiibay halka xidiga Eden Hazard uu gool cajiib ahaa udhaliyay kooxdiisa, Fabregas ayaana ciyaarta hurdo udiray, inkasoo GIROUD uu goolka calanka udhaliyay Gunners.

chelsea-v-arsenal-premier-league

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-chamberlain-oo-taageeray-in-shaqada-laga-ceyriyo-tababare-arsene-wenger/">BreakingNews: Chamberlain oo taageeray In Shaqada laga ceyriyo Tababare Arsene Wenger</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *