<

Home » Horyaalada » Premier League » BreakingNews: Bartilmaameedkii Chelsea, United & Arsenal oo si lama filaan ah ugu biiraya Koox kale

BreakingNews: Bartilmaameedkii Chelsea, United & Arsenal oo si lama filaan ah ugu biiraya Koox kale

Kooxda Chelsea ayaa lumisay saxiixa qadka dhexe ee kooxda Atalanta Franck Kessie waxaana uu ku dhow yahay naadiga Roma.

Naadiga London ka dhisan ee Chelsea ayaa la fahansanaa iney 28 Milyan kula soo saxiixan doonto ciyaaryahankan oo lagu naaneyso Yaya Toura-ha cusub.

Hase ahaatee kooxda Roma ayaa lasoo sheegayaa iney dalab lama filaan ah ka gudbisay xidigan ayna haatan ku dhow dahay iney Conte ku garaacaan saxiixisa.

20-jirkaan ayaa inta ka dhiman xili ciyaareedkan kusii sugnaan doona kooxda Atalanta kadibna waxaa uu ku biiri doonaa Roma.

Kessie oo sidoo kale bartlmaameed u ahaa kooxaha waa weyn ee Yurub ayaa waxaa uu kamid yahay xidigaha sida weyn loogu hadal hayo Suuqa waxaana wakiilkiisa uu xili hore xaqiijiyay inu helayo dalabyo.

“Waxaa xiiso badan naga soo gaarayaan Premier League – Chelsea, Liverpool, Manchester United, Manchester City iyo Arsenal, laakiin marka heerkan la joogo waxba kama dhihi karno qiimahiisa”ayuu yiri wakiilka qadka dhexe.

Kooxaha Chelsea iyo PSG ayaa la fahansanaa in laga soo diiday dalab 21 Milyan ah oo ay ku doonayeen Kessie halka kooxda Italy ka dhisan ay dooneyso qiimo intaas ka badan.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-bartilmaameedkii-chelsea-united-arsenal-oo-si-lama-filaan-ah-ugu-biiraya-koox-kale/">BreakingNews: Bartilmaameedkii Chelsea, United & Arsenal oo si lama filaan ah ugu biiraya Koox kale</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *