<

Home » Horyaalada » Premier League » BreakingNews: Bartilmaameedkii Arsenal, United & Chelsea Kostas Manolas oo heshiis la gaaray Kooxda Inter.

BreakingNews: Bartilmaameedkii Arsenal, United & Chelsea Kostas Manolas oo heshiis la gaaray Kooxda Inter.

Daafaca kooxda Roma Kostas Manolas ayaa heshiiskii uga baxay kooxda Arsenal isagoo heshiis shaqsi ah la gaaray naadiga Inter si uu kuleylaha danbe ugu biiro sidaas waxaa ogaanaya Shabakada Goal.

25-jirkaan ayaa kamid ah daafacyada ilaa haatan ugu wanaagsan Yurub, waxaana uu ogolaaday inuu Inter Milan ugu biiro shan sano oo heshiis ah waxaana €4.5 million mushaar ah ka qaadan doonaa San Siro sanadkii.

Inter aayaa wali wada xaajood kula jirta kooxda Roma, waxaan aay miiska saareysaa lacag dhan €44m oo ah qiimaha ay Roma dooneyso, milkiilayaasha Nerazzurri ee China kasoo jeeda ayaana qeyb weyn ka qaadanaya heshiiskaas.

Roma ayaa  Manolas mushaar ahaan usiisa €1.8m sanadkii, laakiin waxaa ay aad ugu xun tahay iney ilaa haatan hormar ka sameyn la’dahay horyaalka iyo tartanka Yurub.

Heshiiska daafacan qaranka Greece ayaa dhici doona sanadka 2019 waxaana ay ku qasban tahay iney iibiso si ay lacag badan uga hesho.

manolas-social_1v2mmfaor58j1m7kyr7a4emf8

Goal ayaa horey udaabacday in Arsenal ay wadahadal meel wanaagsan maraya kula jirtay daafacan Monalas si uu uga garab ciyaaro Shkdran Mustafi, laakiin xidigan ayaa doortay naadiga Inter Milan

Sidoo kale tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa taageero weyn u ah Manolas, hase ahaatee waxaa markii uu waayay xagaagan uu lasoo saxiixday daafaca PSG ka yimid ee David Luiz

Manchester United ayaa sidoo kale mudo dheer baadi goobeysay daafacan heerka caalami iyadoo macalin Mourinho uu dhowr dalab ka gudbiyay laakiin laga soo diiday.

manolas-inter_19xwieevqbgtf1ny0kwqzfhqnx

Manolas ayaa Roma kaga soo biiray kooxda Olympiakos lacag dhan €15m sanadkii 2014 waxaana ilaa markaas uu kooxda Stadio Olimpico ka dhisan usaftay 100 kulan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-bartilmaameedkii-arsenal-united-chelsea-kostas-manolas-oo-heshiis-la-gaaray-kooxda-inter/">BreakingNews: Bartilmaameedkii Arsenal, United & Chelsea Kostas Manolas oo heshiis la gaaray Kooxda Inter.</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *