<

Home » Horyaalada » Premier League » Breaking: Robert Pires oo Xaqiijiyay in Mustaqbalka Sanchez ee Arsenal uu halis ku jiro – Muxuu ka ogyahay?

Breaking: Robert Pires oo Xaqiijiyay in Mustaqbalka Sanchez ee Arsenal uu halis ku jiro – Muxuu ka ogyahay?

Robert Pires ayaa shaaca ka qaaday in xidiga Arsenal  Alexis Sanchez uusan hubin hadii uu heshiiskiisa kooxda uu cusbooneysiin doono iyo hadii kale

Weeraryahanka qaranka Chile ayaa fure u ah kooxda macalin Arsene Wenger isagoo udhaliyay 17 gool, waxaana uu isha ku hayaa iney ku tartamaan horyaalka Ingiriiska iyo tartanka Champions League-ka

“Waxaan weydiiyay Alexis todobaadkii hore inuu heshiis cusub saxiixayo, waxaa uu ii sheegay inuusan ogeyn arintaas, waxa kaliya ee uu doonayo ayaa ah inuu ciyaaro ,” halyaygii Arsenal ayaa sidaas usheegay  La Tercera. isagoo hadalkiisa ku daray “Ma oga waxa dhici doona, kaliya waxaa uu doonayaa inuu ciyaaro oo uu ku raaxeysto.”

Tababare Arsene Wenger ayaa dhawaan qirtay in xidigan uu dalab weyn ka helay China, lakaiin kooxda London ka dhisan ayaanan dalabkaas aqbali doonin sida uu Pires sheegay

“Waan ognahay waxaas dhan, dhamaan waxaa ay doonayaan in Sanchez uu doonayo inuu sii joogo Arsenal, waxaana rajeynayaa inuu heshiis cusub saxiixo, maxaa yeelay waa ciyaaryahan cajiib ah, mashiinka gaariga, waxaan rajeynayaa inuu waligiis joogo”ayuu yiri xidigii hore ee Arsenal.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breaking-robert-pires-oo-xaqiijiyay-in-mustaqbalka-sanchez-ee-arsenal-uu-halis-ku-jiro-muxuu-ka-ogyahay/">Breaking: Robert Pires oo Xaqiijiyay in Mustaqbalka Sanchez ee Arsenal uu halis ku jiro – Muxuu ka ogyahay?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *