<

Home » Horyaalada » Premier League » BREAKING NEWS: Xiddig Katirsan Inter Milan oo Kansalay Heshiis uu Cafimaadka ugu Mari lahaa Maanta Kooxda Chelsea- SABAB?

BREAKING NEWS: Xiddig Katirsan Inter Milan oo Kansalay Heshiis uu Cafimaadka ugu Mari lahaa Maanta Kooxda Chelsea- SABAB?

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Inter Milan Jonathan Biabiany ayaa iska diiday dalab amaah ah oo uu ugu biiri lahaa kooxda Chelsea ah, sida laga soo xigtay Sky Italy.

Xiddiga reer France oo 28-sano jir ah ayaan qeyb ka aheyn kooxda koowaad ee Inter xilli ciyaareedkan waxaana uu saftay kaliya saddex kulan dhamaan tartamada oo dhan.

Laakiin ciyaaryahanka garabka ka ciyaara kaasoo hore ugu soo ciyaaray kooxda Parma ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo Premier League gaar ahaan kooxda uu hogaamiyo macalinka Talyaaniga ee Chelsea.

Jonathan Biabiany ayaa go’aansatay inuu sii joogo kooxda Nerazzurri si uu ugu dagalamo booskiisa koowaad.

Tani ayaa dharbaaxo ku ah kooxda Bules oo rajo fiican ka laheyd saxiixa ciyaaryahanka garabka ka ciyaara.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breaking-news-xiddig-katirsan-inter-milan-oo-kansalay-heshiis-uu-cafimaadka-ugu-mari-lahaa-maanta-kooxda-chelsea-sabab/">BREAKING NEWS: Xiddig Katirsan Inter Milan oo Kansalay Heshiis uu Cafimaadka ugu Mari lahaa Maanta Kooxda Chelsea- SABAB?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *