<

Home » Horyaalada » Premier League » BREAKING NEWS: Weeraryahan Bartilmaameed u ah Kooxda Chelsea oo Hadda Gaaray Garoonka Diyaaradaha London

BREAKING NEWS: Weeraryahan Bartilmaameed u ah Kooxda Chelsea oo Hadda Gaaray Garoonka Diyaaradaha London

Weeraryahanka Celtic Moussa Dembele ayaa qarka u saaran inuu £ 40 milyan ugu dhaqaaqo Chelsea ka dib markii lagu sawiray garoonka diyaaraha isagoo u duulaya London.

xididga France ee 20-sano jir ah ayaa dhaliyay sagaal gool Horyaalka Scottish Premiership xili ciyaareedkan, iyo Celtic durbaba 22 dhibcood oo nadiif ah hogaanka horyaalka ku qabatay.

Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu hadda u safraya London, si uu u dhameystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda ka dhisan London ee Chelsea.

Chelsea ayaa u dirtay dalab weeraryahankii hore ee kooxda Fulham kadib markii ay ku fashilmeen saxiixa weeraryahanka Real Madrid Morata.

Si kastaba ha ahaatee, Goal ayaa ogaatay in tababaraha Celtic Brendan Rodgers uusan dooneyn iibinta Dembele laakiin dalabka Bules ayaa ah mid aan la diidi karin.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breaking-news-weeraryahan-bartilmaameed-u-ah-kooxda-chelsea-oo-hadda-gaaray-garoonka-diyaaradaha-london/">BREAKING NEWS: Weeraryahan Bartilmaameed u ah Kooxda Chelsea oo Hadda Gaaray Garoonka Diyaaradaha London</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *