<

Home » Horyaalada » Premier League » BREAKING NEWS: Juventus Oo Wakiilo Daawada U Dirtay Xiddiga Liverpool Emre Can- Muxuuse Ka Yiri Dalabkaan Macalin Klopp?

BREAKING NEWS: Juventus Oo Wakiilo Daawada U Dirtay Xiddiga Liverpool Emre Can- Muxuuse Ka Yiri Dalabkaan Macalin Klopp?

Juventus ayaa isha la raaceysa heshiis ciyaaryahanka qadka dhexe ee Liverpool Emre Can iyadoo wararka ka imaanaya Italy ay sheegayaan in Old Lady indha indheeyayaal u dirtay 23-sano jirkaan isbuucyadii u danbeyay.

Wargeyska Talyaaniga ee Corriere dello Sport ayaa sheegay in wakiilo kasocda kooxda Juventus ay ka qeyb galeen kulankii ka dhacay Old Trafford isbuucii hore, markaasoo Liverpool 1-1 la galeen kooxda Manchester United.

Liverpool v Swansea City - Premier League

saddex ciyaaryahan ee khad dhexe kooxda Juventus hadda doonayso ee kala ah Mahmoud Dahoud oo katirsan Borussia Moenchengladbach iyo ciyaaryahanka Lyon Corentin Tolisso ayuu kamid yahay Can.

Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa ka fiirsan doona in ciyaaryahan khadka dhexe oo bedeli kara Paul Pogba kusoo kordhiyo kooxdiisa.

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa hore u sheegay in uu dooneyn iibinta  iciyaartooydisa muhiimka ah taasoo caqabad ku ah kooxda Allegri ee Juventus.

Emre Can ayaa muhim u ah Reds xilli ciyaareedkan, isagoo saftay 16 kulan waxaana uu dhaliyay saddex gool.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breaking-news-juventus-oo-wakiilo-daawada-u-dirtay-xiddiga-liverpool-emre-can-muxuuse-ka-yiri-dalabkaan-macalin-klopp/">BREAKING NEWS: Juventus Oo Wakiilo Daawada U Dirtay Xiddiga Liverpool Emre Can- Muxuuse Ka Yiri Dalabkaan Macalin Klopp?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *