<

Home » Horyaalada » Premier League » BREAKING NEWS: Arsene Wenger oo aan Ganaax adag Kala Kulmi Doonin Xiriirka FA-ga Kadib Markii uu Qirtay Dawada Loo Heysto

BREAKING NEWS: Arsene Wenger oo aan Ganaax adag Kala Kulmi Doonin Xiriirka FA-ga Kadib Markii uu Qirtay Dawada Loo Heysto

Arsene Wenger ayaa aqbalay Edeymaha la xiriira ansha darada ee kaga yimid xiriirka kubada cagta ee (FA) ka dib markii uu riixay garsooraha afaraad ee ciyarta ka hor inta aan tunnel lagu qasbin inuu aado kulankii Arsenal ay la ciyaartay Burnley axadii lasoo dhaafay.

Wenger ayaa taribuunka ka daawaday waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaartii Arsenal 2-1 ku badisay garoonka Emirates Stadium ka dib markii uu casaan u tagaay garsoore Jon Moss oo rigoore daqiiqadii 93rd-ku abaalmariyay kooxda Burnley, taasoo Andre Gray ku dhaliyay goolka barbaraha.

Ka dib markii uu u dhaqaaqay tunnel-wuxuu adeegsaday erayo aflagaado ah macalinkaan isagoo sidookale riixay garsoore Anthony Taylor, inkastoo durba raali gelin uu bixiyay.

Alexis Sanchez ayaa dhaliyay daqiiqadii 98th-goolka guusha ee Arsenal oo seddex dhibcood, ka heshay kulankaan.

Gudiga dishibiliinka xiriirka FA-ga, ayaa Wenger kusoo oogay dacwad anshax daro ah, laakiin wuxuu qirtay dambiga lagu soo oogay tasoo macquul ka dhigeysa in la qafiifiyo ganaaxiisa.

“Waxaan ka shaqeynayay England muddo 20 sanno ah guud ahaan 34 sanno oo aan ahaa macalin waa qaladkii ugu weynaa ee aan sameeyo ayuu yiri macalinka Gunners.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breaking-news-arsene-wenger-oo-aan-ganaax-adag-kala-kulmi-doonin-xiriirka-fa-ga-kadib-markii-uu-qirtay-dawada-loo-heysto/">BREAKING NEWS: Arsene Wenger oo aan Ganaax adag Kala Kulmi Doonin Xiriirka FA-ga Kadib Markii uu Qirtay Dawada Loo Heysto</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *