<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Breaking: Mourinho oo ku laabanaya Real Madrid & Florentino Perez oo uyeeray – Zidane Waa u dhamaatay

Breaking: Mourinho oo ku laabanaya Real Madrid & Florentino Perez oo uyeeray – Zidane Waa u dhamaatay

Sida ay sheegayaan wararka lagu daabacay wargeyska Express, tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa laga yaabaa inuu ku laabto Real Madrid mustaqbalka ka dib markii Madaxweyne Florentino Perez uu dhawaan la xiriiray.

Warkaan ayaa yimid ka dib markii Real Madrid ka hartay Copa del Rey markii qasaaro ay kala kulmeen kooxda Celta Vigo horaantii isbuucaan.

Mourinho ayaa macalin kasoo ahaa kooxda Real Madrid muddo saddex xilli ciyaareed ah oo u dhaxeysay 2010-2013, halkaas oo uu ku guuleystay La Liga ah (2011-12) iyo Copa del Rey (2010-11).

Wuxuu lahaa rikoo guulo oo ah 71,9%, taasoo la micno ah inuu ahaa macalinkii ugu sameynta badnaa kooxda sanadihii lasoo dhaafay.

Waxaa laga badiyay 22 ka mid ah 178 kulan oo tartamada oo dhan uu hogaamiyay kooxda Madrid, taas oo ah markiisii labaad ee ugu fiicneyd rikoorka kooxda uu hogaaminayay, ka dib markii ugu horeysay Chelsea oo uu qaatay magaca Special One oo laga badiyay 21 ka mid ah 185 oo uu macalin u ahaa kooxda ka dhisan London.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Spain, ee Don Balon, madaxweynaha kooxda Los Blancos Perez ayaa u yeeray Mourinho si uu wax kaga qabto xaalada cabsi caafimaad oo dhawaan lasoo darstay xaaskiisa.

Waxaa la rumeysan yahay in tababaraha Manchester United weli xiriir wanaagsan la leeyahay Perez isagoo xitaa kala hadlay dhowr jeer wax ku saabsan suurto galnimada uu ugu laaban karo Spain.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breaking-mourinho-oo-ku-laabanaya-real-madrid-florentino-perez-oo-uyeeray-zidane-waa-u-dhamaatay/">Breaking: Mourinho oo ku laabanaya Real Madrid & Florentino Perez oo uyeeray – Zidane Waa u dhamaatay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *