<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Breaking: Marcelo & Modric oo Afar todobaad maqnaan doona, Kulamada ay maqnaan doonaan & C.Ronaldo oo loo cabsi qabo

Breaking: Marcelo & Modric oo Afar todobaad maqnaan doona, Kulamada ay maqnaan doonaan & C.Ronaldo oo loo cabsi qabo

Zinedine Zidane ayaa wajahaya wal wal xoogan kadib markii uu war xun ka helay dhaawaca Marcelo iyo Luka Modric, kuwaas oo dhaawac looga saaray kulankii ay 2-1 ay kaga badiyeen Malaga.

Labadan ciyaaryahan ayaa afar todobaad ka maqnaan doona garoomada sidaas waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda Madrid ka dhisan

Miyay maqnaan doonaan kulamada Champions League

Daafaca reer Brazil ee Marcelo ayaa la dhibtoonaya dhawac dhanka muruqa ah halka qadka dhexe ee reer Croatia uu isna la dhibtoonayo dhaawac dhanka muruqa dhaawac kasoo gaaray.

Labadan ciyaaryahan ayaa mari doona tijaabo caafimaad, hase ahaatee waxaa la filayaa iney mudo bil ah garoomada ka maqnaadaan.

Hadii ay arintu sidaas tahay waxaa ay seegi doonaan kulamada Real Sociedad, Celta iyo Osasuna, iyo kulanka lugta labaad ee Copa del Rey Celta waxaa sidoo kale maqcuul ay tahay iney seegaan kulanka Champions League ay Real la ciyaareyso  Napoli 15-ka February.

marcelo-and-modric

26 Dhaawacyo ah iyo 19 ciyaaryahan xili ciyaareedkan

Zidane ayaa wajahaya dhibaatooyin dhaawacyo ah xili ciyaareedkan, waxaana ka dhaawacmay 19 ciyaaryahan oo safka koobaad ah iyo 26 dhaawacyo kala duwan ah, waxaana ugu danbeeyay  labada ciyaaeryahan ee Modric iyo Marcelo.

Cabsida Ronaldo

Waxaa jirta cabsi loo qabo in  Cristiano Ronaldo, ay dhibaato kasoo gaartay kulankii Málaga kadib markii taako culus uu ka wajahay lugta midig, xidiga qaranka Portugal ayaana tijaabo mari doona isniinta markaas oo la ogaan doono hadii uu dhaawac yahay iyo hadii kale.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breaking-marcelo-modric-oo-afar-todobaad-maqnaan-doona-kulamada-ay-maqnaan-doonaan-c-ronaldo-oo-loo-cabsi-qabo/">Breaking: Marcelo & Modric oo Afar todobaad maqnaan doona, Kulamada ay maqnaan doonaan & C.Ronaldo oo loo cabsi qabo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *