<

Home » Horyaalada » Premier League » Breaking: Kooxda Southampton oo Iska Xaadirisay Fiinaalka League Cup kadib markii ay Liverpool ku garaacday Anfield

Breaking: Kooxda Southampton oo Iska Xaadirisay Fiinaalka League Cup kadib markii ay Liverpool ku garaacday Anfield

Kooxda kubada cagta Southampton ayaa iska xaadirisay Fiinaalka koobka League Cup-ka kadib markii ay guul weyn ka gaartay naadiga Liverpool kulan ka dhacay  Anfield

Kulankii hore ayay Southampton kusoo badisay 1-0 waxaana ay ubaahneyd iney goosheeda ka difaacato si ay ugaarto Fiinaalka.

Wiilasha macalin Klopp ayaa weerar xoogan ku ahaa goosha Southampton waxaana ay marar badan ku dhawaadeen iney shabaqa soo taabtaan.

Hase ahaatee Southampton ayaa intii ay Liverpoool weerarka haysay usoo daba martay goosheeda waxaana daqiiqadii 90-aad gool udhaliyay weeraryahanka badalka kusoo galay ciyaarta ee Long.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 taas oo ka dhigan iney 2-0 kusoo baxday Southampton ay haatan iska xaadirisay fiinaalka tartanka Carling Cup-ka

Waxaa ay sugeysaa kooxdii soo baxda Man United iyo Hull City, iyadoo wiilasha macalin Mourinho ay kulankii hore 1-0 kusoo badiyeen

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breaking-kooxda-southampton-oo-iska-xaadirisay-fiinaalka-league-cup-kadib-markii-ay-liverpool-ku-garaacday-anfield/">Breaking: Kooxda Southampton oo Iska Xaadirisay Fiinaalka League Cup kadib markii ay Liverpool ku garaacday Anfield</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *