<

Home » Horyaalada » Premier League » Breaking: Kadib Guuldaradii Swasea, Miyay Liverpool lasoo saxiixan doontaa Daafac cusub -Klopp ayaa ka jawaabaya

Breaking: Kadib Guuldaradii Swasea, Miyay Liverpool lasoo saxiixan doontaa Daafac cusub -Klopp ayaa ka jawaabaya

Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday inuusan daafac cusub lasoo saxiixan doonin kadib markii kooxdiisa 3-2 guuldaro ah todobaadkan ay kala kulantay naadiga Swansea City.

Kooxda funaanad gaduudka ayaa kaliya guuleysatay hal kulan oo kamid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay dhamaan tartamada, waxaana kulankaas uu ahaa kii rogaal celiska ahaa ee  FA Cup-ka la ciyaartay Plymouth Argyle – waxaana ay Chelsea siisay fursad ay ku dheereysato hogaanka horyaalka

Liverpool ayaa loa rumeysan yahay iney ka dhibtooneyso daafaca maadaama kulankii Swansea goolal badan laga dhaliyay xili sidoo kale  Joel Matip uu ganaax ku maqnaa.

Laakiin Klopp ayaa tilmaamay in kooxdiisa ay tabtay wiilka Afrika uga maqan ee Mane, “Waxan tabnay Sadio… Waxaan kaloo tabnay Phil… Waxaan tabnay Joel Matip,” Klopp ayaa sidaas usheegay wariyaasha kahor kulanka ay lugta koobaad kooxdiisa la ciyaareyso Southamtond arbacada.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Inta ugu badan ee aan jeclahay Sadio, Ma ahan kaliya inaan ku dhibtooneyno inaan tabnay Sadio. waxaa jira qaladaad kale kaliya ma ahan inaanan goolal dhalin waxaan dhalinay goolal nagu filan inaan ku badino”.

“Waxaadse had iyo jeer ka hadashaan dhanka daafaca, ama ciyaaryahanada, waxaan arintaas kala hadlay daafcayada oo dhan, hadii ay suura gal tahay inaan soo iibsano daafac cusub si aan arintan ugu xalino, laakiin dabaal ayaan noqon doonaa hadii aan arintaas sameeyo mana ahan wax fudud”ayuu yiri Klop.

“Waan ogahay dhibaatada kadib kulamadii sanadka cusub, taasna waa niyad jab, waxaan ogaa kahor kulankii Swansea, laakiin waa wax kamid ah nolosha waxii dhacay”ayuu hadalkiisa ku daray macalinka reer Germani.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breaking-kadib-guuldaradii-swasea-miyay-liverpool-lasoo-saxiixan-doontaa-daafac-cusub-klopp-ayaa-ka-jawaabaya/">Breaking: Kadib Guuldaradii Swasea, Miyay Liverpool lasoo saxiixan doontaa Daafac cusub -Klopp ayaa ka jawaabaya</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *