<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » BREAKING: Aabaha Tababaraha Atletic Madrid oo Albaabada ufuray inuu wiilkiisa ku biiro England – Miyuu badali doonaa Wenger?

BREAKING: Aabaha Tababaraha Atletic Madrid oo Albaabada ufuray inuu wiilkiisa ku biiro England – Miyuu badali doonaa Wenger?

Kooxda ARSENAL ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqeysa saxiixa macalinka Diego Simeone kaas oo uu aabihiis sheegay in wiilkiisa uu ka tagi doono Atletico Madrid sida ugu dhaqsiyaha badan

Macalinka Simoeone ayaa si weyn loola xariirinayaa inuu shaqada Arsenal ka badalayo Arsene Wenger, laakiin waxaa ay loolan xoogan kala kulmayaan naadiga Inter Milan.

Tababaraha reer Argentine ayaa k dhawaanaya inuu ka tago Atletic Madrid kadib markii uu labo mar ku fashilmay tartanka  Champions League oo ay labadaas fiinaal la ciyaareen Real Madrid.

Simeone ayaa sidoo kale lala xariirinayay shaqada kooxda Chelsea kahor inta uusan Antonio Conte la wareegin shaqadaas

Macalinkan ayaa heshiiskiisa  Vicente Calderon soo gaabinaya isagoo ka dhigaya ilaa 2018-ka halka markii hore uu ahaa ilaa 2020-ka.

Aabaha dhalay Simeone oo la dhaho Carlos ayaa qirtay in wiilkiisa uu aadayo midkood Italy ama England isagoo sida ugu dhaqsiyaha badan usoo dhameyn doona heshiiskiisa Spain.

Aabaha Simeone ayaa yiri: “[Diego] waxaa uu xili wanaagsan ku qaadanayaa Madrid, laakiin sida ugu dhaqsiyaha badan ayuu badalan doonaa”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu aabaha Simeone yiri “Italy, England, ma ogi meesha uu aadayo, laakiin waa imaan doontaa, isaga ayaan la joogaa”

Sidoo kale Aabaha dhalay tababaraha Atletic Madrid ayaa sheegay in wiilkiisa uu sidoo kale aadi doono inuu tababare unoqdo qaramada marka uu gaaro 50 ilaa 55 sano.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breaking-aabaha-tababaraha-atletic-madrid-oo-albaabada-ufuray-inuu-wiilkiisa-ku-biiro-england-miyuu-badali-doonaa-wenger/">BREAKING: Aabaha Tababaraha Atletic Madrid oo Albaabada ufuray inuu wiilkiisa ku biiro England – Miyuu badali doonaa Wenger?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *