<

Home » Horyaalada » Premier League » BREAKING NEWS: Daafac Katirsan Chelsea Oo Dhaawac Looga Saaray Garoomada Inta Ka Dhiman Xili Ciyaareedkaan- Waa Kuma?

BREAKING NEWS: Daafac Katirsan Chelsea Oo Dhaawac Looga Saaray Garoomada Inta Ka Dhiman Xili Ciyaareedkaan- Waa Kuma?

Daafaca kooxda Chelsea Baba Rahman ayaa lagu soo waramayaa inuu seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka dib markii uu soo gaaray dhaawac halis ah xili uu u ciyaarayay xulkiisa Ghana.

Rahman ayaa dhaawac looga saaray inta lagu guda jiray kulankii tartanka African Cup of Nations oo ay xulkiisa ku kaga qeyb galayaan dalka Gabon todobaadkii hore.

Waxaa bareelo looga saaray kulankii xulkiisa ay 1-0 ay ka gaareen  dalka Uganda nkadib markii uu awoodi waayay inuu dhameysto ciyaarta.

Sida laga soo xigtay GhanaSoccerNet, waxa uu maqnana doonaa ugu yaraan muddo ilaa lix bilood ah, taasoo caqabad ku ah kooxdiisa.

Daafaca garabka bidix ayaa waxa soo gaaray dhaawac jilibka jilibka bidix ah, waxaana jiri sidookale jeex soo gaaray jilibka.

Rahman ayaa haatan amaah ugu ciyaara kooxda ka dhisan dalka Germany ee Schalke laakiin waxaa la filayay in dib loogu yeero bishaa kooxda Chelsea.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/braeking-news-daafac-katirsan-chelsea-oo-dhaawac-looga-saaray-garoomada-inta-ka-dhiman-xili-ciyaareedkaan-waa-kuma/">BREAKING NEWS: Daafac Katirsan Chelsea Oo Dhaawac Looga Saaray Garoomada Inta Ka Dhiman Xili Ciyaareedkaan- Waa Kuma?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *