<

Home » Horyaalada » Premier League » BigNews: Waa Kee Ciyaaryahanka katirsan Arsenal ee Noqon kara Tababaraha ugu wanaagsan aduunka?

BigNews: Waa Kee Ciyaaryahanka katirsan Arsenal ee Noqon kara Tababaraha ugu wanaagsan aduunka?

Garabka kooxda Arsenal Theo Walcott ayaa aamisan in daafaca Per Mertesacker uu noqon karo mid kamid ah tababarayaasha ugu wanaagsan aduunka isla markaana uu ku farxi doono ciyaaryahan walba oo ka hoos ciyaara

Ciyaaryahanka koobka aduunka kula guuleystay German ayaa Gunners kaga soo biiray Werder Bremen sanadkii 2011 waxaana uu kooxda Waqooyiga London ka dhisan usaftay wax ka badan labo boqol oo kulan.

Mertesacker ayaa haatan la dhibtoonaya dhaawacyo soo gaaray, hase ahaatee tababare Arsene Wenger ayaa lasoo saxiixday Shkodran Mustafi xagaagan kaas oo buuxiyay booskii daafacaas.

Mustafi has since emerged as a regular central defensive partner for Laurent Koscielny, with Mertesacker having not played a single game in the 2016-17 season due to a knee injury.

Si kastaba, Walcott ayaa aamisan in 32-jirkaan uu leeyahay tayo walba oo uu ku guuleysano karo marka uu macalin noqdo

Isagoo la hadlayay website-ka rasmiga ah ee kooxda Arsenal ayuu Walcott yiri : “Halkee ayaan kala bilaabay Per? Waa qof toosan hogaamiyana ah marka garoonka lagu jiro ahna hogaamiye xataa marka garoonka laga soo baxo”.

“Waxaa dooneysaa inaad isaga dhagaysato, waxaa ay ila tahay inuu noqon doono tababare aan caadi aheyn, waana hubaa inuu noqon doono, dhamaan ciyaaryahahanada aan wada shaqeynay isaga ayaa ah tababaraha ugu wanaagsan”.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/bignews-waa-kee-ciyaaryahanka-katirsan-arsenal-ee-noqon-kara-tababaraha-ugu-wanaagsan-aduunka/">BigNews: Waa Kee Ciyaaryahanka katirsan Arsenal ee Noqon kara Tababaraha ugu wanaagsan aduunka?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *