<

Home » Horyaalada » Bundesliga » BigNews: Tababare Carlo Ancelotti oo go’aan adag ku dhawaaqay – Miyuu sii joogi doonaa Bayern Munich

BigNews: Tababare Carlo Ancelotti oo go’aan adag ku dhawaaqay – Miyuu sii joogi doonaa Bayern Munich

Carlo Ancelotti ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inuu Bayern Munich sii joogo 20 sano oo kale xili lala xariirinayo inuu shaqadiisa uweyn doono tababaraha Hoffenheim Julian Nagelsmann kaas oo kooxda hogaanka haysa lala xariirinayo 2019.

57-jirkaan ayaa shaqada kala wareegay Pep Guardiola isagoo isha ku haya inuu kooxda gaarsiiyo guulihii lagu yaqaanay.

Macalinka reer Italy ayaana sheegay inuu jeclaan lahaa tababaraha ugu xili dheer kooxda Bayern Munich “Waxaan rajeynayaa inaan kooxda Bayern Munich joogo 10 sano oo kale ama wax ka badan 20 sano”

Laakiin tababaraha ayaan sheegay inuu u arko macalinka  kooxda Hoffenhein mid kale oo ku haboon kooxda Bayern Munich”Laga yaabee Maybe inuu noqon karo tababaraha Bayern  10 ama 20 sano. waxaana uu leeyahay tayo aad uwanaagsan, shaqo wanaagsan ayuuna haatan sameynayaa wax wanaagsan ayaana urajeynaa”.

Waxaa uu ka hadlay hadii uu ka tagayo Bayern Munich “Waxaan usaxiixay halkan sedex sano wanaag badan ayaana halkan ku dareemayaa, waxaan dareemayaa inay kooxdan gurigeyga ii tahay kooxdan, magaaladan cajiibka ah iyo saxaafadan ma ahan kuwa xun”

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/bignews-tababare-carlo-ancelotti-oo-goaan-adag-ku-dhawaaqay-miyuu-sii-joogi-doonaa-bayern-munich/">BigNews: Tababare Carlo Ancelotti oo go’aan adag ku dhawaaqay – Miyuu sii joogi doonaa Bayern Munich</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *