<

Home » Horyaalada » Premier League » BigNews: Man United oo lagu qasbayo iney si deg deg ah ula soo saxiixato Gareth Bale & Griezmann

BigNews: Man United oo lagu qasbayo iney si deg deg ah ula soo saxiixato Gareth Bale & Griezmann

Rio Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday in Manchester United ay qasab ku tahay iney lacag uhesho sidii ay usoo iibsan laheyd Gareth Bale iyo Antoine Griezmann.

The Red Devils ayaa lacag waali ah kusoo iibsatay  Paul Pogba kaas oo kusoo laabtay Old Trafford kadib sanado uu joogay Juventus.

Eric Bailly ayaa sidoo kale lacag qaali ah ku yimid, laakiin waxaa ay si bilaash ah suuqa xorta ah ugu soo qaateen weeraryahanka Zlatan Ibrahimovic.

Tiro ciyaaryahano ah ayaa haatan lala xariirinayaa kooxda macalin Mourinho waxaana kamid ah weeraryanka Atletico Madrid Griezmann iyo garabka Real Madrid Gareth Bale.

Halyaygii kooxda United Ferdinand ayaa usheegay Squawka: “Manchester United waa iney lacag uheshaa sidii ay labadan ciyaaryahan usoo iibsan laheyd”

Isagoo hadalkiisa sii wada ayuu Ferdinand yiri “Waa ciyaaryahano cajiib ah, laakiin ilama ahan in la is bar bardhigi karo maxaa yeelay waa ciyaaryahano kala duwan”.

“Gareth waxaa uu ka ciyaari karaa halka kariisyada laga keeno waxaana uu saameyn buuxda ku yeelan karaa midig, bidix ilaa qadka dhexe, Griezmann waxaa uu isna ka ciyaaraa Number sagaalka, laakiin waa xili hore in haatan indhaha laga qarsado in kooxdu ay haysato Ibrahimovic”.ayuu yiri daafacii hore ee United.

Mar uu ka hadlayay suurta galnimada in labadan ciyaaryahan ay kooxda kusoo wada biiri karaan ayuu yiri “Hadii ay diyaar noqdaan, Manchester United waxaa qasab ku ah iney arintaas sameyso.”

Wararka uu waa weyn Suuqa waxaa kamid ah tababare Jose oo isha la raacaya Bale, Griezmann iyo tiro ciyaaryahano daafaca ka ciyaara ah, halka United ay sidoo kale baadi goob ugu jirto qadka dhexe.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/bignews-man-united-oo-lagu-qasbayo-iney-si-deg-deg-ah-ula-soo-saxiixato-gareth-bale-griezmann/">BigNews: Man United oo lagu qasbayo iney si deg deg ah ula soo saxiixato Gareth Bale & Griezmann</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *