<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » BIG NEWS: Real Madrid Oo Wadahadalo Kula Jirta Thibaut Courtois- Maxaase Ka Jira In Heshiiska Goolhayahaan Ka Qeyn Yahay Alvaro Morata

BIG NEWS: Real Madrid Oo Wadahadalo Kula Jirta Thibaut Courtois- Maxaase Ka Jira In Heshiiska Goolhayahaan Ka Qeyn Yahay Alvaro Morata

Real Madrid ayaa wadahadalo kula njirta xiddiga goolka u qabta kooxda Chelsea ee Thibaut Courtois ,laakiin waxa ay meesha ka saartay inuu jiro heshiis isku bedelasho ciyartooyda Courtois iyo Alvaro Morata.

Hogaamiyayaasha La Liga ayaa xiiso u qaba goolhaye Courtois, inkastoo hadda dooqa koowaad uu heysto Keylor Navas oo kooxda Bernabeu ka caawiyay in ay badiyaan 40 kulan.

Courtois oo hadda heshiis shan sanno ku jooga Stamford Bridge aya ilo wareedyo ay ku waramayaan inuu bartilmaamed rasmi ah u yahay kooxda ka dhisan Spain ee Madrid.

Real ayaa 30million Euros oo u dhiganta (£ 25.9m) waxay miiska u saareen goolhayaha caalamiga ah ee dalka Belgium kaasoo hore sadex sano oo amaah ah ugu qaatay kooxda Atletico Madrid.

Waxa ay noqon doontaa markii labaad kooxda reer Spain in ay dalab ka gudbiso Courtois, 24 jir ah, kaasoo ay ku guuldareysteen saxiixiisa bishii August.

Chelsea ayaa diyaar u ah in qorshaha laga qeyb dhigo Morata oo bartilmaameed u ah macalin Antonio Conte si uu ugu bedelo ninka gadoodsan ee Diego Costa.

Laakiin tababaraha Real Zinedine Zidane ayaa diiday inuu iibiyo weeraryahankiisa kadib kulankii xalay ay garaaceen kooxda Malaga.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/big-new-real-madrid-oo-wadahadalo-kula-jirta-thibaut-courtois-maxaase-ka-jira-in-heshiiska-goolhayahaan-ka-qeyn-yahay-alvaro-morata/">BIG NEWS: Real Madrid Oo Wadahadalo Kula Jirta Thibaut Courtois- Maxaase Ka Jira In Heshiiska Goolhayahaan Ka Qeyn Yahay Alvaro Morata</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *