<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Barcelona Oo La Ogaaday Inuusan Dhab Ka Aheyn Xiisaha Philippe Coutinho & Guillem Balague Oo Cadeeyay Kooxda Qaadan Karta Xiddiga Liverpool

Barcelona Oo La Ogaaday Inuusan Dhab Ka Aheyn Xiisaha Philippe Coutinho & Guillem Balague Oo Cadeeyay Kooxda Qaadan Karta Xiddiga Liverpool

Barcelona ma doonayaan inay la soo wareegaan xiddiga Liverpool Philippe Coutinho, sida uu cadeeyay falanqeeyaha laga baqo ee Guillem Balague.

Wariyaha ugu caasan Horyaalka La Liga ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Barcelona aysan diyaar u aheyn saxiixa Philippe Coutinho, laakiin macquul ay tahay inuu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid.

Coutinho ayaa si xoogan loola xiriirinaayey inuu u dhaqaaqo kooxda Barcelona bilihii la soo dhaafay laakiin wariyaha lagu magcaabo Guillem Balague ayaa shaki weyn saaray fursada ciyaaryahanka uu ku dhaqaaqayo.

Guillem Balague ayaa aamisan in Philippe Coutinho uu yahay mid aan ku guuleysan karin garoonka Barcelona, taas bedelkeeda ay macquul tahay inuu u dhaqaaqo Real Madrid oo uu ku guuleysan karo.

Dhawaan Rivaldo ayaa shaaca ka qaaday in Philippe Coutinho uu ku biiri doono kooxda Barcelona, laakiin fikirkaas waxaa kasoo horjeeda falanqeeyaha Guillem Balague.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/barcelona-oo-la-ogaaday-inuusan-dhab-ka-aheyn-xiisaha-philippe-coutinho-guillem-balague-oo-cadeeyay-kooxda-qaadan-karta-xiddiga-liverpool/">Barcelona Oo La Ogaaday Inuusan Dhab Ka Aheyn Xiisaha Philippe Coutinho & Guillem Balague Oo Cadeeyay Kooxda Qaadan Karta Xiddiga Liverpool</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *