<

Home » Horyaalada » Premier League » Arsene Wenger oo ka hadlay dhaawac soo gaaray xiddigihiisa Aaron Ramsey iyo Oxlade-Chamberlain isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay xaalada Chamberlain

Arsene Wenger oo ka hadlay dhaawac soo gaaray xiddigihiisa Aaron Ramsey iyo Oxlade-Chamberlain isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay xaalada Chamberlain

Kooxda Arsenal ayaa dhaawacyo cusub la kulantay ciyaarttii ay xalay sida lama filaanka ah guuldarada 2_1 kala kulantay kooxda Watford, waxaana dhaawacyo ay kasoo gaareen xiddigaheeda kala ah  Aaron Ramsey iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

Ramsey ayaa laga saaray bartamihii qeybta hore ee ciyaarta, waxaana lagu bedelay, Alex Oxlade-Chamberlain, waxaana la arkayay in Chamberlain qudhiisa uu xanuun dareemayay intii lagu guda jiray 20-kii daqiiqo ee ugu dambeysay ciyaartii ka dhacday garoonka Emirates.

Isagoo ka hadlayay ciyaarta kadib dhaawicii soo gaaray xiddiga reer Wales Ramsey, Wenger ayaa yiri:- “Waa dhaawac kubka ah, Ma ogi ilaa inta uu inaga maqnaan doono, laakiin waa dhaawac kubka uun”.

Mar la weydiiyay in Oxlade-Chamberlain uu kusoo bilaaban karo kulanka soo socda, iyo haddii uu shaki ku jiro inuusan ciyaareyn ayuu yiri Wenger “Maya, sidaas uma maleynayo, waxaan qabaa inuu u hagaasan yahay”.

Ciyaarta xigta Arsenal ayaa u safri doonta garoonka Stamford Bridge, kooxda horyaalka hogaamineysa ee Chelsea, kadib markii xalay ay Gunners, iska qasaarisay, fursad ay ugu sii dhawaan karta Blues, iyadoona wiilasha Antonio Conte barbardhac lagu qabtay, waxa ayna hadda u dhaxeysa sagaal dhibcood kooxaha ku xafiiltama London.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/arsene-wenger-oo-ka-hadlay-dhaawac-soo-gaaray-xiddigihiisa-aaron-ramsey-iyo-oxlade-chamberlain-isagoona-rajo-wanaagsan-ka-muujiyay-xaalada-chamberlain/">Arsene Wenger oo ka hadlay dhaawac soo gaaray xiddigihiisa Aaron Ramsey iyo Oxlade-Chamberlain isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay xaalada Chamberlain</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *