<

Home » Horyaalada » Premier League » Arsene Wenger oo difaacay sababta uu keydka u galiyay Theo Walcott, ciyaartii ay khasaaraha kala kulmeen naadiga Watford

Arsene Wenger oo difaacay sababta uu keydka u galiyay Theo Walcott, ciyaartii ay khasaaraha kala kulmeen naadiga Watford

Tababaraha Arsenal, Arsene Wenger ayaa difaacay go’aankiisa uu kursiga keydka ah u dhigay Theo Walcott, ciyaartii ay Arsenal guuldarada kasoo gaartay Watford, isagoona daaha ka qaaday inuusan weeraryahankan uusan qeyb ka ahayn tababarkii ciyaarta ka hor.

27-sano jirkaan ayaa kasoo laabtay dhaawac kubka ah uu lix isbuuc kaga maqnaan, isagoona kusoo laabtay kulan ciyaareedkii ay Gunners ka adkaatay 5_0, Southampton, laacibkaan ayaa dhaliyay goolasha loo yaqaano Hat-trick, ama seddexley, kulankaas oo ka tirsanaa wareega afaraad ee FA Cup-ka.

Laakiin Wenger ayaa go’aansaday inuu ku soo bilaabo Walcott kursiga keydka, ciyaartii ay khasaaraha la kulmeen habeenkii xalay, kahor inta uusan bedel kusoo galin xiddiga heerka caalami ee dalka England qeybtii labaad ee ciyaarta.

“Waxa uu ciyaaray isaga qeybtii labaad,” ayuu yiri Wenger.

“Haddii aad eegto taariikhdiisa, isagu ma ahayn mid ciyaaray shan toddobaad iyo bar”. Isagoo hadalkiisa Wenger ayaa mar kale yiri:

“Waxa uu ahaa mid heer sare ah shalay, waxaan isaga u dhawray waxa ay ahayd inuu ka baxay tababarka kooxda shalay, Waxaan leenahay seddex kulan todobaadkan, si fiican ayaana u ognahay, waxaan qabaa inay aheyd go’aan caadi ah”.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/arsene-wenger-oo-difaacay-sababta-uu-keydka-u-galiyay-theo-walcott-ciyaartii-ay-khasaaraha-kala-kulmeen-naadiga-watford/">Arsene Wenger oo difaacay sababta uu keydka u galiyay Theo Walcott, ciyaartii ay khasaaraha kala kulmeen naadiga Watford</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *