<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » Arsene Wenger oo baxaya sanadan 2017, iyo tababarayaal u diyaarsan inay shaqada ka badelaan, waxaa ku jira tababare hadda baranaya Luqada Ingiriiska

Arsene Wenger oo baxaya sanadan 2017, iyo tababarayaal u diyaarsan inay shaqada ka badelaan, waxaa ku jira tababare hadda baranaya Luqada Ingiriiska

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger, ayaa lagu wadaa inuu isaga tago kooxdiisa Gunners, sanadan 2017-ka, isagoona lala xiriirinayo horyaalka dagaalka badan ee Serie A-da, sida uu aaminsan yahay Wargeyska Sunday Express.

Wararkaan ayaa imaanaya saacada uun kadib markii Arsenal, oo marti u ahayd Southampton kaga badisay 5-0, iyadoona shaqada uu masuul kasii ahaa  Steve Bould.

Wenger ayaa haatan ganaax afar kulan ah ku qaadanaya tarabuunka, kadib markii uu is riix-riixb kula kacay garsooraha afaraad, kulankii Burnley, halka tababaraha reer France uu qandaraaskiisa ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Express, ayaa waxa ay aaminsan tahay in shaqada uu farujin doonop Wenger ay u diyaarsan yihiin laba tababare oo kale, haddii uu  Arsene Wenger ka tago xilkiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan,

Wenger ayaa maamulayay kooxda ka dhisan Emirates Stadium, muddo fog oo gaaraya ilaa iyo laaban sano, isagoona u muuqda in lasoo afjari doono waayihiisa Arsenal, marka uu dhaco qandaraaskiisa oo ku egdhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wenger, ayaanan haatan u muuqda mid aanan wadahadalo kula jirin Arsenal, oo ku saabsan inuu heshiis cusub uu u kordhinaayo, waxaana uu Epress uu aaminsan yahay inuu bedel u noqon doono,  Tababaraha kooxda Juventus Max Allegri.

Waxaa jira wadahadalo ay wakiilada Allegri ay kula jiraan madaxda Arsenal kaasoo ku saabsan, inay bedel kaga dhigaan Wenger oo u muuqda inuu ku daalay, shaqada Arsenal.

Allegri ayaa la sheegayaa inuu hadda ku guda jiro barashada luqada Ingiriiska si ay ugu fududaato shaqada Gunners.

Tababaraha labaad ayuu aaminsan yahay inuu yahay macalinka Atletico Madrid Diego Simeone, oo isna lala xariirinayay inuu qabanayo shaqada Emerites.

Si kastaba xulashada labadaan tababare ee Max Allegri iyo Diego Simeone ayaa ah mid u taala madaxda Arsenal, inkastoo aan la xaqiijin Karin mid ay dooran doonaan.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/arsene-wenger-oo-baxaya-sanadan-2017-iyo-tababarayaal-u-diyaarsan-inay-shaqada-ka-badelaan-waxaa-ku-jira-tababare-hadda-baranaya-luqada-ingiriiska/">Arsene Wenger oo baxaya sanadan 2017, iyo tababarayaal u diyaarsan inay shaqada ka badelaan, waxaa ku jira tababare hadda baranaya Luqada Ingiriiska</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *