<

Home » Horyaalada » Premier League » Arsenal oo Daqiiqadii ugu danbeysay Guul cariiri ah ka gaartay Burnley,Wenger & Garsoorka oo isku dhacay & Sanchez oo kaalinta labaad soo geliyay Arsenal

Arsenal oo Daqiiqadii ugu danbeysay Guul cariiri ah ka gaartay Burnley,Wenger & Garsoorka oo isku dhacay & Sanchez oo kaalinta labaad soo geliyay Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa guul daqiiqadii ugu danbeysay ah kaga badisay naadiga Burnley, xili Sanchez uu dhamaadkii ciyaarta goolkaas udhaliyay.

Arsenal ayaa 2-1 dirqi ah kaga badisay Burnley iyadoo wiilasha macalin Wenger ay soo galeen kaallinta labaad ee kala horeynta horyaalka Ingiriiska.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar leh iyadoo kooxda Arsenal ay weerar xoogan ku aheyd goosha kooxda Burnley.

Weeraryahanka Sanchez ayaa daqiiqadii 7-aad ku dhawaaday inuu hogaanka udhiibo kooxdiisa Arsenal, laakiin kubadaas ayaa laga bixiy, goolhaye Heaton ayaa sidoo kale daqiiadii 15-aad bad baadin cajiib ah ka sameeyay kubad sameeyaha Ozil.

promo309364626

Arsenal ayaa sii waday weerarka ay ku haysay goosha kooxda Burnley, daqiiqadii 42-aad Sanchez ayaa qasaariyay fursad uu gool ku dhalin karay kadib fursad cajiib ah oo uu helay.

promo309365888

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay bar bardhac gool la\aan ah iyadoo kooxda Burnley ay si wanaagsan udifaacatay goosheeda.

Daqiiqadii 50-aad Sanchez ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka udhiibo kooxdiisa laakiin kubad uu si qurux badan usoo dhisay ayuu birta agmariyay.

Daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta Arsenal ayay aheyd in rigoore loo dhigo? Mustafi ayaa waxaa xerada ganaaxa ku jalaafeeyay daafaca Gray, laakiin garsoore Moss ayaa iska indha tiray inuu rigoore dhigo.

GOAL! ARSENAL 1-0 BURNLEY (Mustafi 59)

Arsenal ayaa hogaanka ciyaarta qabatay, daafaca dhexe ee Shkodran Mustafi ayaana madaxa ugu dhaliyay kooxdiisa goolkaas, Ozil ayaa koorno soo qaaday kadibna waxaa uu si qurux badan gees ugu dhaliyay Mustafa!

promo309367979

ROOSO AYAA LA SIIYAY GRANIT XHAKA! Arsenal ayaa la dhibtootay kadib markii mar kale kaarka gaduudan ama rooso la siiyay qadka dhexe ee Granit Xhaka, ciyaaryahankan ayaa kubada meel qaldan ubaasay waxaana qabsaday Defour, laakiin Xhaka ayaa labada lugood ku duulay garsoore Moss ayaana rooso toos ah siiyay.

promo309368487

Daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta goolhayaha Burnley ayaa bad baadiyay fursad cajiib aheyd kadib shuud xoogan oo uu goosha ku laaday qadka dhexe ee Coquilen.

90+2: Rigoore ayaa loo dhigay BURNLEY! Coquelin ayaa dhulka dhigay Barnes xerada ganaaxa garsoore Moss ayaana rigooro go’aamiyay.

GOAL! ARSENAL 1-1 BURNLEY (Gray, 90+3 Pen)

Xidigii yaraantiisa taageeri jiray Arsenal Andre Gray ayaa rigooradii loo dhigay waxaa uu daba mariyay goolhaye Cech isagoo ciyaarta ka dhigay 1-1.

tn74wfwwtrqpac6onnd3_wenger

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa xanaaq mjuujiyay waxaana lagu qasbay in loo diro Tuunalka kadib markii uu ka carooday rigooradii laga dhigay kooxdiisa.

Muuqaalada ayaa qabanayay tababaraha uu markii la bixiyay xataa la murmaya garsoorka sedexaad oo xataa riixaya taas oo laga yaabo inuu ganaax ku muteysto.

90+7: Arsenal rigoore ayaa loo dhigay! Arin aan la fileyn ayaa ka dhacday Emirates, ciyaaryahanka Mee ayaa lugta la raacay wajiga daafaca Koscielny kadibna waxaa la dhigay rigoore!!

GOAL! ARSENAL 2-1 BURNLEY (Sanchez, 90+8 Pen)

Ugu danbeyn Sanchez ayaa kooxdiisa Arsenal udhaliyay goolkii guusha, taas oo kusoo celisay taageerayaasha kooxda oo aad uga careysanaa bar bardhaca!

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday daqiiqadii ugu danbeysay naadiga ARSENAL, natiijadan ayaana ka dhigeysa in Arsenal ay haatan soo gashay kaalinta labaad ee kala horeynta horyaalka Ingiriiska.

ti8xarmstni5tdmx6sm7_top

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/arsenal-oo-daqiiqadii-ugu-danbeysay-guul-cariiri-ah-ka-gaartay-burnleywenger-garsoorka-oo-isku-dhacay-sanchez-oo-kaalinta-labaad-soo-geliyay-arsenal/">Arsenal oo Daqiiqadii ugu danbeysay Guul cariiri ah ka gaartay Burnley,Wenger & Garsoorka oo isku dhacay & Sanchez oo kaalinta labaad soo geliyay Arsenal</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *