<

Home » Wararka Maanta » Arsenal oo Ciyaaryahankii Labaad Amaah Ku Fasaxday Maanta & Wenger oo Ku Dhawaaqi Kara Saxiix Lama Filaan ah

Arsenal oo Ciyaaryahankii Labaad Amaah Ku Fasaxday Maanta & Wenger oo Ku Dhawaaqi Kara Saxiix Lama Filaan ah

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Ismael Bennacer ayaa ku biiray kooxda Tours ee ka dhisan dalka Faransiiska oo uu amaah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan kula joogi doono.

19-sano jirkaan, kaas oo ku biiray kooxda Gunners 2015 ayaa ku biiray kooxda ka dhisan Ligue 2 ee Tours kadib markii la isku afgartay inuu helo waayo aragnimo buuxda.

Arsenal ayaa maanta amaah waxay ku direen sidookale Gedion Zelalem oo ku biiray kooxda VVV Venlo, ciyaryahanka khadka dhaxe ayaa kooxda reer Holland ku sugnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan.

suuqa kala iibsiga uu ku eg caawa ayaa waxaa laga yaabaa in Arsenal ay ku dhawaaqdo saxiixyo cusub oo lama filaan ah.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/arsenal-oo-ciyaaryahankii-labaad-amaah-ku-fasaxday-maanta-wenger-oo-ku-dhawaaqi-kara-saxiix-lama-filaan-ah/">Arsenal oo Ciyaaryahankii Labaad Amaah Ku Fasaxday Maanta & Wenger oo Ku Dhawaaqi Kara Saxiix Lama Filaan ah</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *