<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Arda Turan oo markale ku celiyay inuusan dooneyn inuu u dhaqaaqo horyaalka lacagaha badan ee Shiinaha

Arda Turan oo markale ku celiyay inuusan dooneyn inuu u dhaqaaqo horyaalka lacagaha badan ee Shiinaha

Xiddiga kooxda Barcelona Arda Turan ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in uu arko isagoo heshiis cusub u saxiixaya kooxdiisa uu kula sii joogayo, iyadoona wararka la isla dhexmarayo ay shegayeen inuu u dhaqaaqayo dalka China.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa kusoo bilaawdaty kaliya 10 kulan xilli ciyaareedkan, isagoona u dhaliyay seddex gool, iyadoona ay jirto in tababaraha kooxda Bulugrana Luis Enrique uu qorsheynayo in haddii uu ku helayo lacago macquul ah uu laacibkaan ka kooxaha ka ciuyaara hortyaalkla Chinese Super League.

Balse ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Turkey Arda, ayaa kaga soo biiray naadiga Atletico Madrid sanadii 2015 kooxda Barce lacag dhan €41million oo u dhiganta (£ 35.3m), ayaa markale ku celiyay inuusan qorsheyneyn inuu ka tago Barca.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay Barcelona,” ayuu u sheegay Bein Sports. “mana doonayo ninaan ka tago halkaan, waxaan ku heystaa nolol sare”.

Carlos Tevez ayaa dhameystiray inuu u dhaqaaqo Shanghai Shenhua inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga, isagoona hadda ah ciyaaryahanka ugu mushaarka badan dunida, halka Oscar ka Chelsea ku biiray Shanghai SIPG lacag dhan £60m.

Waxaa haatan horyaalka Chaina ka ciyaara vlaacibiin waa weyn oo ay ka mid yihiin: John Obi Mikel, Axel Witsel, Hulk, Jackson Martinez, Ramires iyo Alex Teixeira, oo hadda ka xamaalanaya dalka Shiinaha.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/arda-turan-oo-markale-ku-celiyay-inuusan-dooneyn-inuu-u-dhaqaaqo-horyaalka-lacagaha-badan-ee-shiinaha/">Arda Turan oo markale ku celiyay inuusan dooneyn inuu u dhaqaaqo horyaalka lacagaha badan ee Shiinaha</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *