<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Antoine Griezmann Walaalkiis Oo Kiciyay Sheekooyinka Xanta Ah Ee La xiriirinaya Weeraryahanka France Kooxda Manchester United

Antoine Griezmann Walaalkiis Oo Kiciyay Sheekooyinka Xanta Ah Ee La xiriirinaya Weeraryahanka France Kooxda Manchester United

Antoine Griezmann walaalkiis ayaa taageerayaasha Manchester United siiyay rajo ah in weeraryahanka Faransiiska uu ku biiri karo Red Devils.

Weeraryahanka Atletico Madrid -oo kamid ahaa sadexdii mushar ee ku tartamayay abaalmarinta Ballon d’Or iyo ciyaaryahanka sanadka FIFA ka dib markii xilli ciyaareedkii wanaagsan uu la qaatay kooxdiisa ayaa bartilmaameed No.1 ah u ah tababare Jose Mourinho xagaagan.

Theo Griezmann ayaa siiyey taageerayaasha United aragti ah inuu ku boorriyay walaalkiis inuu ku biiro Manchester United ka dib markii Tweets uu soo dhigay sawir-ka Memphis Depay oo ku biiray Lyon isagoo soo raaciyay”Waan ka xumahay Memphis inaad ka tagto Old Trafford!”

Taageerayaasha United ayaa farxad ka muujiyay dareenka uu u muujiyay walaalka la dhashay bartilmaaameedkooda Antoine Griezmann.

Antoine Griezmann ayaa la sheegayaa inuu xiran doono maaliyada No 7 haddii uu kusoo biiro kooxda Manchester United oo lacago qaali ah ku dooneysa.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/antoine-griezmann-walaalkiis-oo-kiciyay-sheekooyinka-xanta-ah-ee-la-xiriirinaya-weeraryahanka-france-kooxda-manchester-united/">Antoine Griezmann Walaalkiis Oo Kiciyay Sheekooyinka Xanta Ah Ee La xiriirinaya Weeraryahanka France Kooxda Manchester United</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *