<

Home » Horyaalada » Premier League » Anthony Martial oo aamusnaantii ka baxay – Muxuuse ka yiri Mustaqbalkiisa Kooxda Man United?

Anthony Martial oo aamusnaantii ka baxay – Muxuuse ka yiri Mustaqbalkiisa Kooxda Man United?

ANTHONY MARTIAL ayaa bogiisa instagram soo dhigay arin uu ku muujinayo sida uu u arko mustaqbalkiisa kooxda Manchester United xili la filayay inuu kooxdaas ka tago.

Anthony Martial ayaa booskiisa kooxda Manchester United lumiyay xili ciyaareedkan, laakiin weeraryahankan reer France oo kusoo bilowday sagaal kulan oo horyaalka ah ayaana lala xariirinayay naadiga Sevilla.

Jose Mourinho ayaase 20- jirkaan ugu yeeray shaxda kooxdiisa kulankii ugu danbeeyay inkastoo uu booskiisa geliyay Henrikh Mkhitaryan

Si kastaba, xidigan ayaa shaaca ka qaaday inuu ad ugu faraxsan yahay kooxdiisa Man United uuna doonayo wacdaro ka dhigo Old Trafford.

Xidigii hore ee Monaco ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo kulanka caawa ee  Hull, waxaana sawirka uu soo dhigay jeclaaday ama Like Saaray ku dhawaad 206 kun oo qof kuwaas oo ah taageerayaashiisa.

Tababare Mourinho oo wax laga weydiiyay mustaqbalka Martial iyo hadii uu boos ka helayo shaxdiisa ayuu yiri “Waxaa uu soo bandhigay qaab ciyaareed uu kaga fiicnaa kuwa kale ee booskiisa ka ciyaara, laakiin miyaan keyd galiyaa Mkhitaryan kadib markii uu helay xidigii garoonka? maya ma awoodo taas.

anthony-martial-manchester-united-instagram-post-811706

 

🔴

A post shared by Anthony Martial (@martial_9) on

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/anthony-martial-oo-aamusnaantii-ka-baxay-muxuuse-ka-yiri-mustaqbalkiisa-kooxda-man-united/">Anthony Martial oo aamusnaantii ka baxay – Muxuuse ka yiri Mustaqbalkiisa Kooxda Man United?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *