<

Home » Horyaalada » Premier League » Alex Oxlade-Chamberlain, oo fariin u diray tababarihiisa Wenger ” waxaan doonayaa inaad marwalba iga ciyaarsiiso booskaan”

Alex Oxlade-Chamberlain, oo fariin u diray tababarihiisa Wenger ” waxaan doonayaa inaad marwalba iga ciyaarsiiso booskaan”

Ciyaaryahanka kooxda Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain, ayaa fariin furan u diray macalin Wenger, isagoona sheegay inuu si aad ah u jecel yahay islamarkaan uu si aad ah ugu raaxeystay ka ciyaarista khadka dhexe, kulankii ay sabtidii ay 5-0, kaga adkaadeen Southampton kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.

Xiddiga heerka caalami ee qaranka England ayaa waxaa dhexda ku wehliyay laacibiinta kala ah Ainsley Maitland-Niles iyo Jeff Reine-Adelaide, isagoona ciyaar qurux badan soo bandhigay kulankii ka dhacay garoonka St Mary Stadium.

23-sano jirkaan ayaa ka caawiyay Danney Welbeck, goolkiisii labaad ciyaartii 5-0 ay ku qaarijiyeen Saints, waxa uuna ahaa Oxlade-Chamberlain, mid dhameystiray 91%, baasaskii uu ka sameeyay ciyaartaas.

Oxlade-Chamberlain, ayaa dhaliyay laba gool isagoo caawiye ka ahaa afar kale 18 ciyaar uu kasoo muuqday xilli ciyaareedkaan kooxda Arsenal, inkastoo uu ku dhibaatooday inuu booska joogtada ah ka helo tababare Wenger.

Isagoo la hadlayay Website-ka Arsenal ayuu yiri: “waxa ay ahayd wax wanaagsan inaan ka ciyaar khadka dhexe, waana jeclahay inaan markasta ka ciyaaro halkaas”.

Arsenal ayaa ku jirta kaalinta labaad kala sareynta horyaalka  Premier League-ga, iyadoona sideed dhibcood ka danbeysa hogaamiyayaasha Chelsea.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/alex-oxlade-chamberlain-oo-fariin-u-diray-tababarihiisa-wenger-waxaan-doonayaa-inaad-marwalba-iga-ciyaarsiiso-booskaan/">Alex Oxlade-Chamberlain, oo fariin u diray tababarihiisa Wenger ” waxaan doonayaa inaad marwalba iga ciyaarsiiso booskaan”</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *