<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » ABAALMARIN KALE: C.Ronaldo oo abaal marin kale udabaal dagaya kadib Ballon d’Or

ABAALMARIN KALE: C.Ronaldo oo abaal marin kale udabaal dagaya kadib Ballon d’Or

Cristiano Ronaldo ayaa mar kale udabaal dagaya abaalmarin kale oo uu ku guuleystay kadib waxqabadkisiii cajiibka ahaa ee sanadkii 2016-kii

 31-jirkaan ayaa horey ugu soo guuleystay abaalmarinada  Ballon d’Or iyo  Best FIFA Men Player, kadib markii uu sanadkii tagay Real Madrid ku hogaamiyay Champions League, the UEFA Super Cup iyo koobka kooxaha aduunka, halka uu qarankiisa Portugal kula guuleystay Euro 2016

Ronaldo ayaa haatan loo magacaabay ciyaaryahankii MVP ee sanadkii lasoo dhaafay, waana abaalmarin uu bixiyo website-ka Dongqiudi, kaas oo ah website laga leeyahay China ayna taageeraan Suning Group,kuwaas oo ah milkiilayaasha iska leh kooxda Inter Milan.

Weeeraryahankii hore ee Manchester United ayaa noqonaya ciyaaryahankii ugu horeeyay ee kubada cagta ah ee abaalmarintan uu gudoonsiiyo website-kan, waxaana doortay taageerayaasha China.

“Waad ku mahadsan tihiin taageeradiina hadii aa tihiin taageerayaasha China,” C.Ronaldo ayaa sidaas kusoo qoray bogiisa rasmiga ah ee Instagram, waxaana uu gacanta ku hayay abaalmarinta la gudoonsiiyay

Madrid ayaa caawa isku diyaarineysa kulanka  Celta Vigo xili kulankii koobaad 2-1 looga soo badiyay, Ronaldo ayaana doonaya in kooxdisa uu gaarsiiyo warega ugu danbeeya tartanka Copa dello rey.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/abaalmarin-kale-c-ronaldo-oo-abaal-marin-kale-udabaal-dagaya-kadib-ballon-dor/">ABAALMARIN KALE: C.Ronaldo oo abaal marin kale udabaal dagaya kadib Ballon d’Or</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *